Ururka magac uyaalka ah ee sheegta in uu matalo qoomiyada Oromada ee OPDO ayaa soosaaray go’aan lama filaan ah oo dadka arimaha Itoobiya lasocda aad uga fajiciyay isla markaana layaab kunoqotay.

Shir baryihii lasoo dhaafay urur kusheega OPDO usocday ayaa laga soosaaray go’aan lagu qoray luuqad adag oo aan looga baranin uruka kabaqaadka u ahaa kooxda talada wadanka marooqsatay ee unasab sheegata qoomiyada Tigreega TPLF.

Go’aankan oo ahaa mid soo jiitay dad badan ayaa lagu sheegay in taliska wayaanuhu uusan xukun dag dag ah kusoo rogi karin ismaamulka Herarida oo ah mid ay wada leeyihiin dadka Oromada ah ee wax kadaga deegaanka Herarida iyo dadka Herarida ah ee magaalada Herar iska leh.

Sida lagu sheegay go’aanka kooxda OPDO qoomiyada Oromada ayaan marnaba aqbali doonin in si gaar ah loola dhaqmo ismaamulka Herarida, waxaana qoraalka lagu sheegay in aysan qoomiyada Oromadu ogolaan doonin waxa ay kusheegeen naas nuujinta dadka Herarida ah ee daga magaalada Herar.

Taliska wayaanaha ayaa Todobaadkii hore soosaaray hadal uu kusheegay in ay qorshaynayaan sidii ay xukun dag dag ah ugu soorogi lahaayeen ismaamulka Herarida oo ah deegaan ay iskaga soo hor jeedaan qoomiyadaha Oromada iyo Herarida oo halkaas wada daga.

Hadalka kasoo yeedhay kooxda TPLF ee talada wadanka is xijisa ayaa umuuqda mid aan waxba kajiri doonin kadib markay siyaasiyiinta qoomiyada Oromadu siwayn uga soo horjeedsadeen iyagoo sheegay in ay dagaal kaxigi doonaan.

Hadalka kasoo yeedhay kooxda u adeegi jirtay taliska wayaanaha ee OPDO, ayaa muujinaya tabar yarida kooxda TPLF iyo halka ay awoodeedu marayso, waxaana layaab noqoday go’aanka aan kaleex leexadka lahayn ee OPDO.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.