Dhulgariir axaddii ku dhuftay xuduudda u dhaxaysa dalalka Ciraaq iyo Iiran ayaa dilay in ka badan 300 oo qof, ayada oo 2,500 qof kale ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta dalka Iiran ayaa ku warramay in 328 qof ay ku dhinteen dhulgariirka, ayada oo dhibanayaasha badankood ay deganaayeen magaalada Sarpol-e-Zahab ee gobolka Kermanshah. Kooxaha gurmadka iyo gargaraka deg degga ayaa aad u shaqeynayay si ay u caawiyaan dadka uu dhulgariirka saameeyay.

Hay’adda dalka Mareykanka u qaabilsan daarasadda dhulka ayaa sheegtay in dhulgariirka cabirkiisu uu ahaa 7.3, ayna xuddunta uu ku dhuftay ahayd magaalada Halabja ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq. Kadib dhulgariirka ayaa waxaa xigay dhulgariir yaryar oo is xigxigay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq , Haider Al-Cabaadi ayaa sheegay inuu ku amray hay’adaha caafimaadka iyo gargaarka inay wax kasta oo ay ku caawin karaan siiyaan dhibanayaasha uu saameeyay dhulgariirku.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.