Waxaa kulan muhiima isugu yimaaday Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Norway kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha Jaaliyda iyo Maamulka Jaaliyada wuxuuna ahaa shir abaabul ah oo looga wada hadlaayay sidii loo dar dargalin lahaa hawlaha halganka Ogaadeniya kaalinta kaga aadan Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee Norway.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Norway Mudane Khaliif Abdi Ali oo ka hadlay wixii u qabsoomay Jaaliyada Sanadkii lasoo dhaafay iyo wax yaalaha miiska u saaray ee loo baahan yahay in la qabto hawlaha dhamaystirka u baahan iyo waliba wax yaalaha Sare in loo qaado u baahan.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay xubno badan oo kasoo qayb galay kuwaas oo dhamaantood hoosta ka xariiqay in maanta taliska nugul ee TPLF uu bur burayo loona baahan in lasii laban laabo dagaalkii gumaysi diidka ahaa ee lagaga soo horjeeday gumaysiga Itoobiya ee dhibaatada ku haya shacabka Ogaadeniya.

Shirka ayaa gabagabadii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay si xubin xubin ah in lasii dadaalo xubnin walbana uu kasoo baxo kaalinta kaga aadan halganka Ogaadeniya ka socda ee JWXO hurmuudka u tahay.

ONA/Oslo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.