Waxaa shir balaadhan u qabtay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Seatle Washington ururka dhalinyarada iyo ardayda Soomaalida Ogaadeniya ee (OYSU) kulan ayaa wuxuu ahaa mid dhalinyarada soomaaliyeed loogu sharaxaayay xaalada Ogaadeniya ka jirta halganka Shacabka Ogaadeniya ku jira iyo hiigsiga shacabka somalida Ogaadeniya ee xoriyada.

Waxaa shirka ka hadlay qaar kamida dhalinyaradii soomaaliyeed oo carabka ku adkeeyay sida ay u garab taagan yihiin halganka Ogaadeniya ayna u danayn hayaan inay shacabka Soomaalida Ogaadeniya ka xoroobaan gumaysiga Itoobiya.

Shirka ayaa wuxuu hordhac u yahay shirar kala duwan oo loo qaban doono dhalinyarada soomaaliyeed ee daafaha caaalamka kaas looga hadli doono in dhalin yarada OYSU iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan ay u wada istaagaan sidii Dhulka soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysiga ku hayso looga xorayn lahaa.

Shirka ayaa wuxuu gabagabadii kusoo dhamaaday si guul waxaana loogu baaqay dhalinyarada soomaaliyeed inay ka qayb qaataan xoraynta dhulka soomaaliyeed ee Ogaadeniya.

ONA/Seatle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.