War ka soo baxay Taliska sare ee Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ee loo yaqaano Pentagon ayaa faah-faahin looga bixiyay duqaymo todobaadkii u danbeeyey ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 40 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay ku dileen duqeymahaas, waxaana ay ka kala dhaceen Koonfurta Soomaaliya iyo Gobolka Bari ee Puntland.

Rob Manning Afhayeenka u hadlay Pentagon ayaa sheegay in qaar kamid ah weerarada ay fuliyeen diyaaradohoodu lala eegtey koox ka tirsan Daacish. Mr. Manning ayaa sheegay in ay fuliyeen todobaadkii u danbeeyey shan weerar oo ka dhan ah al-Shabaab iyo Daacish, waxaana uu xaqiijiyey in ay dileen dagaalyahano gaaraya 40 xubnood.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay