Dhulka Somalida Ogadeniya ayaa waxa iska hor imaadyo ku dhexmaraan Ciidamada Gumeysiga iyo Ciidamada Xoriyad doonka ah ee ONLF. Waxaana bishan iskahor imaadyo lagaga dilay Ciidamada Woyanaha in ka badan 26 Askari.
Ciidanka jwxo   oo ay ka go’antahay  in ayna ku nasan ciidamada cadawgu dalka ogaadeenya ayaa  gacan ka hadaladii ugu danbeeyay oo uu ku dhuftay  kuwa cadawga waxay ahaayeen  sidan
9/2/12 Dagaal ka dhacay  Aloolasne oo ka tirsan degmada Fiiq waxaa cadawga lagaga dilay  10 askari  waxaana lagaga dhaawacay 15 kale
19/2/12 Dagaal ka dhacay  Xamudhka oo ka tirsan Xiiq waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalena waa lagaga dhaawacay.
17/2/12 Dagaal ka dhacay  Jidhacle oo ka tirsan degmada Xamaro waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari  waxaana lagaga dhaawacay 1 kale
13/2/12  Dagaal ka dhacay  Xerodaga  oo ka tirsan degmada Dhuxun waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale
21/1/12 Dagaal ka dhacay  Simane  oo ka tirsan Fiiq    waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 1 askari 3 kalena waa lagaga dhaawacay
10/2/12  Dagaal ka dhacay  Dhaala  oo ka tirsan Baabili waxaa cadawga lagaga dhaawacay 3 askari.sidoo kale dagaal ka dhacay isla taariikhdaa Cobosha oo ka tirsan Baabili  ayaa cadawga  lagaga dilay 1 askari,
2 kalena lagaga dhaawacay
13/2/12 Dagaal ka dhacay  Dharkaynlay oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur waxaa ciidanka cadawga lagag  dilay 4 askari  tira kalana waa lagaga dhawaacay
17/2/12 Weerar  ay ciidanka jabhadu ku qaadeen meesha la yidhaahdo labiyoogle  oo ka tirsan deegaanka Harar  ayay kula wareegeen gacan ku hayntii xeradaas , ciidanka jabhada kalama kulmin iskacaabin xoogle la wareegida  deegaanka , waxayna halkaa ka rarteen dhamaan wixii hub iyo saanad  taalay  iyo daawooyin aad u badan
Dhinaca kale waxaa jira  hawlagalo  lagu qaaday ciidanka cadawga   kuwaas oo aan wali faahfaahintooda   si buuxda loo helin, waxaana ka mid ah
 Buundada Qoraxay,Karin dabayl,Laab,Xamaro,Baraajisle,Faruurta xadhka Xadhkoodka,Bukudhawa,Maygaag jiifa,Taakule,Karin dheer.
ONA waxaad uga barateen inay idiinsoo gudbiso Daggaalada dhexmara Ciidamada gumeysiga iyo Xaqu Dirirka. Daggaalada aan xog-ta buuxda nasoo gaadhina markii xogtoodu idlaato ayaan idiinku soo gudbin doona wararka dhacdooyinka.
ONA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay