Wararka naga soo gaadhaya xuduuda Oromia iyo Shucuubta Koonfureed udhaxaysa ayaa sheegaya xiisad cudub oo deegaankaas kabilaabatay, taas oo keentay baro kac aad ubadan oo dadka deegaanka kudhacday.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ee kashaqaysa dhibaataynta iyo isku dirka dadka shacabka ah ayaa xuduuda labada Gobol ee Oromia iyo Shucuubta Koonfureed ka hurisay colaad qabiil iyagoo isku diray qoomiyadaha walaalaha ah ee Guji iyo Kore.

Warka ayaa intaas kudaraya in kaadirka TPLF oo kaashanaya calooshood ushaqayste yaal ay isga dhex baxeen qoomiyadaha Guji iyo Kore, waxaana lasheegayaa in uu maalin nimadii shalay halkaas kadhacay dagaal aad uculus oo dad badani ay kudhinteen.

Sidoo kale kumanaan kamid ah dadka deegaanka ayaa lasheegayaa in ay galeen Gobolada kale ee dariska ah si ay uga baxsadaan colaada deegaanka kasoo cusboonaatay, waxaana lasheegayaa in ay macaluul iyo gaajo u dhimanayaan.

Wariye kusugan deegaanka ay wax kadhaceen ayaa sheegaya in uu indhihiisa ku arkay tuulooyin dhowr ah oo lagubay, sidoo kale wariyaha ayaa sheegay in hanti aad ubadan ay halkaas kubaaba’day, wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in uu arkayay ciidanka gumaysiga oo bililiqaysanaya tuulooyinka gubtay.

Labo bilood kahor ayay ahayd markii deegaankaas ay kudhinteen 45 qof oo shacab ah kuwaas oo kudhintay dagaalo ay huriyeen ciidanka gumaysigu, waxaana mar labaad deegaanka ka qarxay dagaalo aan ka yarayn kuwii bilo kahor dhacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay