Baroordiiqdii ay Kenya ka wadeen Ururka midawga dhalinyarada iyo ardayed Ogaadeeniya oo ayay maanta ku soo gabogabeeyeen Socodaal ay ku tageen qaar kamid ah garoomada ciyaaraha ee magaalada Nayroobi. Socodaalka kadib ayay mid kamid ah garoomadaas kula ciyaareen dhalinyaro halkaas oogu balansaneyd.

Kooxda magaca dhalinyarada OYSU ku ciyaareysay ayaa ahayed dhalinyaro meelo kala duwan ka yimid oo ciyaarta maanta u balansanaa iyadoo intii ayna garoonka galin ay dhamaan dhalinyaradii goobtaas joogtay sharxaad ka siiyeen muhiimada ay isugu yimaadeen in ay ahayed isxusuusin bishan February in ay tahay bil murug badan oo shacabka Ogaadeeniya ay ku xasuustaan dhibaatada lagu hayo shacabkooda, iyadoo dhalinyaradii meeshaas joogay ay qaybiyeen warqado ay ku daabacanyihiin sawiro dad la laayey kuwo lagubay, aqalo la gubay iyo dadka  ay diif ka muuqato kuwaas oo laga soo qaaday dad ka qaxay Ogaadeeniya oo ku sugan gobolada dariska la aha Ogaadeeniya ee Soomaaliyeed.

Wariyaha ONA oo Xoghayaha Ururka OYSU Kenya Mudane Xassan Macalin Carab waydiiyey sababta Socodaalkooda iyo ciyaaraha galbta ayuu ku jawaabay Xoghayuhu “Muhiimada oogu wayn ee aan ka leenahay barnaamijkan waa in aan dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Kenya iyo dadka Kenyan ka ahaba aan dareensiino ama aan ogaysiin dhibaatada Shacabka Ogaadeeniya lagu hayo waan in aan tagnaa goob walba oo bulshadu isugu timaado si aan  fursada oogu helo in aan fariintadanad gudbino” wuxuuna Xoghayuhu intaas raaciyey in 18 kii February ayna jooginin barnaamjikii baroordiiqada ahaa ayna maanta tahay maalintii ay soo gabogabeeyeen.

Sidoo kale Ururada bulshada Ogaadeeniya ee dalka Kenya oo ay oogu horeeyaan dhalinyaradu ayaa la odhan karaa waxay hormar ka sameeyeen is dhexgalka Ururada Bulshada ee quumiyadaha kala duwan ee Dalka Kenya, iyadoo sanadihii oogu danbeeyey ay xidhiidh fiican la yeesheen Hay’adaha  Samofalka,Ururo dhalinyaro iyo Ururada Haweenka.

Madaxd Arimaha Bulashada Oysu Kenya Mudane Farxaan ayaa galbta noo sheegay in Ururka Dhalinyarada Qaranka wadanka Kenya iyo Hay’adaha xuquuqul Insaanka Kenya ee loo yaqaano Kenyan human Rights Commition  ay xidhiidho la sameeyeen ayna sii wadi doonaan xidhiidhada ay la leeyihiin bulsho waynta Kenya maadaam Boqolaal qoxooti Soomaalida Ogaadeeniya ka soo jeedo dalkan ay k noolyihiin dano kale oo muhiim noo ahana ay nagaga xidhanyihiin ayuu yidhi mudane Farxaan.

ONA/Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay