Xasuuqa Soomaalida Ogadeniya ma aha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin hadaan soo qaadano mid kamid ah kuwii ugu murugada badnaa waxaa kamid ah: xasuuqii magaalada qabridahare oo dhacay 15-kii bishii November sanadkii 2005-tii maalin Talaado ah, maanta oo ah 15 Nov 2017 waxay ku aadantahay maalintaas murugada badan waana xuskii 13 aad ee ka soo wareegay, runtii waa maalin murugo badan mana aha maalin la iga sheekaynayo ee aniga ayaa goob joog u ahaa wixii maalintaas dhacay, marwalba oon xasuustana waan ilmeeyaa oon murugoodaa, 15 Nov 2005 waxay guud ahaan shacabka reer Ogadeniya gaar ahaanse shacabka magaalada Qabridahar u ahayd maalin madow oo ku suntan qalbiyadooda, waligoodna aysan hilmaami doonin.

Dhacdadani waa mid kamid ah kuwa ugu murugada badan dhacdooyinkii ka dhacay Ogadeniya, waxayna tani kuwa kale kaga duwan tahay: saacado yar oo aad u kooban ayaa magaalada Qabridahar lagu dilay dhalin yaro aad u da’yar oo hadana dhamaantood wada Rag ah, maalintii 15 Nov waxaa magaalada Qabridahar qulqulay oo waliba abureeyay dhiigii da’yarteeni iyo halyeeyadeeni wadaniyiinta ahaa oo si kibir ah xabad loola dhacay maydkoodina la daadiyay dariiqyada xafadaha magaalada, iyadoo waliba loo diiday shacabkii inay aasaan maydadka.

Waxyaabaha aan ka xasuusto maalintaas waxaa ka mid ahaa: waxaan ka soo dareeray Dugsiga Hoose Dhexe ee Nuur Ugaas oo u dhow Xaafada Magaalo Cusub oo ka mid ah xaafadaha Qabridahar, waxaan maqalay xabado badan oo dhacaya mudo yar kadibna waxaan indhahaanaga ku aragnay maydad badan oo guryaha hortooda daadsan, wax yaabaha aan xasuusto waxaa kamid ahaa in maalin iyo habeen ay maydadku daad sanaayeen jidadka xafadaha loona diiday in la’aaso, waxaa wax walba iga murugo badnaa maalintaas waxaa la layn hayay ama la xidhayay qof kasta oo laga dareemayay murugo iyo ilin, dhanka kale maalintii danbe ee xigtay waxaan indhahayga ku arkay maydadka 26wiil dhalin yaro ah oo ay Caga’cagaf ku aasayso hal god oo wayn, hadii aan soo qaadano magacyada qaar ka mid ah dhalin yaradii maalintaas la laayay waxaa ka mid ahaa:

 

  1. Abdullahi Ahmed Aqib.
  2. Abdullahi Gani Ali.
  3. A/aziz Muhumed.
  4. Abdullahi Ahmed Mohamed.
  5. Yusuf Mohamed Adan.
  6. Asad Mohamed Abdullahi.
  7. Bashiir Mohamed Hassan.
  8. Mohamed Mohamud.
  9. Abdirahman Hared Alaki.
  10. Geesh Olad.
  11. Anwar Sheikh.
  12. Arab Garwah.
  13. Amiin Mohamed Abdullahi.
  14. Siyad Irgah.
  15. Rage Moalim.
  16. Abdi Wali.

Laynta, gumaadka, xasuuqa iyo dulmiga uu gumaysigu ku hayo shacabka Ogadeniya waa mid ku suntan quluubta iyo dareenka wadaniyiinta xalaasha ah ee Ogadeniya, waxaana lagaga bixi karaa oo kali ah xornimo.

Guul iyo gobonimo

By Liban Kulmiye

 

 

W/Q Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.