Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa ku dhawaaqay in mudo Hal Sano ah lagu kordhiyay qaadista cuna qabataynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo 11 ka mid ah xubnaha  Golaha amaanka ee QM ayaa u codeeyay in ilaa 15-ka November 2018 in cunaqabateynta Hubka ay sii saarnaato Soomaaliya. Waxaa ay sheegeen in xilligan ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin kala duwan sida dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay hanaanka qafiifinta cunaqabateynta saaran Soomaaliya dib loo eegi doono.

Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya. 15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee QM, waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda baaritaannada u badan.

Gudigan ayaa dhawaan warbixin ay soo saareen ku sheegeen in Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya ay lacag badan ka sameeyaan kooxda Al-shabaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay