Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kibre Salam ee Gobolka Gunji ee wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya mudaharaado waawayn oo lagaga soo horjeeda xukuumada uu wakhtigeedu dhamaaday ee Gumaysiga Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno kumanaan dadwayne ah ayaa isugu soobaxay wadooyinka waawayn ee magaalada Kibre Salaam, halkaas oo sida lasheegayo ay xidheen dhamaan xarumaha taliska wayaanaha ee magaalada kadhisan.

Dadwaynaha mudaharaadka kasoo qayb galay oo aad ucadhaysnaa ayaa kudhawaaqayay erayo taliska wayaanaha kadhan ah, waxayna dadwaynuhu ku midaysnaayeen erayga ah waxaa lagaadhay xiligii aan aayaheena katashan lahayn.

Mudaharaadkan oo ay soo qaban qaabiyeen ururada Dhalinyarada iyo Haweenka ee magaalada Kibre Salaam ayaa lagu arkayay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, waxayna bulshadu umuuqataa mid isku waafaqsan kaxoroobida qabiilka tirada yar ee Tigreega.

Sida aan lawada socono waxaa guud ahaan daafaha wadanka gumaysiga Itoobiya kasocda kacdoono lagu diidan yahay xukuumada aan naxariista lahayn ee wayaanaha, waxayna hada kacdoonadu gaadheen meel halis ah.

Kacdoonada cusub ee kabilowday magaalada Kibre Salaam ayaa argagax hor leh kuriday taliska ay aan cagaha badan kutaagnayn ee wayaanaha, wuxuuna deegaankaasu noqonayaa mid kamid ah deegaanada ay kacdoon wadayaashu maamulaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay