Shacabka Zimbabwe ayaa ka warsugaya tallaabda xigta ee ay qaadi doonaan ciidanka la wareegay awoodda dalkaasi. Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ku jira xabsi-guri, balse xaaskiisa Grace Mugabe oo dooneysay inay ninkeeda xilka kala wareegto ayaan la ogayn halk ay ku sugan tahay.

Masuuliin ka tirsan dowladda Koonfur Afrika ayaa ku sugan caasimadda Harare iyagoo kulan la leh mas’uuliyiin ka tirsan ciidammada iyo siyaasiyiin kale. Hogmaamiyayaasha urur gobaleedka ay ku mideysan yihiin dalalka Koonfurta Afrika ee SADC ayaa kulan deg deg ah iskugu yimid shalay Khamiistii.

Qaar badan oo ka mid ah shacabka Zimbabwe ee ku sugan caasimada Haraare ayaa aqbalay in hogaamiyaha kali ah ee ay yaqiineen tan iyo xoriyaddii xafiiska laga qaado. Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay isku dhawaayeen ayaa isaga dheeraaday xaaskiisa Grace, oo loo arko in ay ahayd qofkii horseeday in militariga ay soo faragaliyaan xaaladda. Halka ay ku sugan tahay Grace ayaan hadda la ogayn, hasa yeeshee waxaa xabsiga la dhigay dhowr ka tirsan golaha wasiirrada dalkaasi.

Ururka midowga Afrika (AU) ayaa sheegay in militariga ay u xaqiijiyeen in tallaabadooda ay tahay mid kumeel gaadh ah islamarkana aysan ahayn afgambi. Gudoomiyaha AU, Moussa Faki Mahamat oo ku sugan Washington ayaa sheegay in ururka ay ka soo horjeedaan isbadal waliba oo aan dastuurka waafaqsanayn oo lagu samaynayo dowlad.

Madaxa AU Alpha Conde ayaa dhankiisa sheegay in waxa ka dhacay Zimbabwe uu u muuqdo afgambi, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan dib loogu soo celiyo amar iyo kala dambeyn ku dhisan dastuurka. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe (QM), Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Zimbabwe in ay is xakameyaan.

Militariga Zimbabwe waxay beeniyeen in tallaabaddan ay qaadeen ay tahay afgambi militari. Wakiilo ka socda urur goboleedka wadamada Koonfurta Africa ee SADC ayaa gaadhay magaalada Haraare ee caasimada dalkaasi si ay gacan uga gaystaan dhaxdhaxaadinta dhinacyada ishaya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay