Shacabka Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaadho qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska casilo.

Warar soo baxaya ayaa sheegayay in Mugabe uu ka biyo diiday inuu talada dalka wareejiyo. Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma oo ay Dowladiisu dhex dhexaadinayso Milatariga dalka afganbiyay iyo Robert Mugabe ayaa sheegay inaysan muuqan xal deg deg ah oo laga gaadho xaaladda Zimbabwe.

Ciidanka Zimbabwe ayaa talada dalka la wareegay Talaadadii lasoo dhaafay, waxana ay u muuqataa in ay soo afjarayaan ku dhawaad 40 sano oo uu dalkaasi xakumayay madaxweyne Robert Mugabe oo hadda ah 93 jir.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay