Qaramada Midoobe (QM) ayaa soo saartay codsi deg deg ah oo ay u jeediyeen xulufada uu Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Waxaa ay QM dalbanayaan hay’addaha gargaarka in si buuxda oo shuruud la’aan ah looga qaado cunaqabataynta iyo go’doominta dalka Yemen. Waxaa ay sheegeen in go’doomintaasi ay halis galinayso nolasha malaayiin qof oo dalka Yemen ku nool.

Madaxda hay’addaha UNICEF, WHO iyo hay’ada cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa ay sheegeen in go’doominta qayb ahaan la qaaday horraantii todobaadkan aysan ku filnayn. Hay’adahani ayaa sheegay in hada caruur badan ay halis ugu jiraan cuduro isla amarkana ugu yaraan 20 milyan oo qof ay gargaar u baahan yihiin.

7 Milyan ayeey hay’adahu sheegeen in ay qarka u saaran yihiin macaluul iyo xanuunno kale taas oo ay adkaan doonto in marka danbe wax laga qabto hadaan hada wax laga qabanin.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay