Ururka  OYSU faraciisa Eastern Cape ayaa isugu yimid Xuska maalinta xasuuqa shacabka Ogadeniya  oo daafaha Dunida siweyn loogu qabtay.  Munaasabadaas oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa  waxaa soo agaasimay Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadeniya & jaaliyada Ogadeniya waxaana si weyn uga soo qayb galay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan soomaalida Ogadeniya oo ay munaasabadani  xasuus-qiiro xambaarsan ay uleedahay.

Waxaa  madasha munaasabada lagu qabtay soo buux dhaafiyay dad ay wajiyadooda ka muuqato qiirro halgan & murugo wadaniyadeed. Waxaana  laga dareemayay shu cuurtooda murugo xasuusi ku dheehantahay

Munaasabadan oo aad xasaasi u ahayd waxaa furay Hogaanka Arimaha Bulshada Ururka OYSU ee faracaas  mudane Bashiir Shiekh Axmed  oo dadweynihii munaasabada ka soo qayb galay siweyn u soo dhaweeyay una mahad ciliyay dadweynaha u yimid xuska maalinta  furitaanka.

Hogaanka  kadib waxaa microfonka  lagu soo dhaweeyay Halgame Shiekh Maxamed Raabi oo  aayado Qur’aan ah & wacdi diini ah  ka soo jiidiyay munaasabada. Shiekha wacdigiisa ayaa u badna in la xasuusnaado Halyeeyadii u shihiiday qadiyada soomaalida Ogadeniya. Wax yar kadib waxaa madasha warbixin ku saab san xasuuqa shacabka Ogadeniya sida ay ciidamada Tigreegu ugumaadayaan dadka shacabka ah een waxba galabsanin ka soo jeediyay:

Halgame Abdiraxmaan Siciid waxaa kalee oo uu kudheeraaday  sababta loo  aqoonsaday  maalinta xasuuqa shacabka ogaadenia iyo waxyaabihii dhacay bishan February  kuwii ugu wawaynaa iyo waliba taarikh dheer.

Gudoomiyaha jaaliyada ogadeniya Halgame Suldaan Cabdi Askar (Casaanyo) ayaa isna ka hadlay Madasha. Gudomiyaha ayaa kudheeraaday arimaha abaabulka waxaana kamid ahaa hadaladisii “hadaad rabtaan wax qaali ah waxaa lahuraa wax qaali ah ”

Hogaanka Arimaha bulshada mudane Xassen Cabdi (qubi) & masuuliyiin ka tirsan Ururka OYSU & dadweyne kasoo qeybgalay xuskan ayaa iyana hadalo qiiro xanbaarsan kasoo jeediyay halkaas.  Waxayna dhamaan dadkii munaasabada isugu yimid ku dardaarmeen in ay marwalba diyaar u ahaadaan garab istaagaana- u hiiliyaana shacabka walaalahood ah ee xasuuqa & gabood falada loo gaysanayo ee Soomaalida Ogadeniya.

Canbaareyn

waxaa ay dadkii meesha isugu yimid Canbaarayn dusha uga tuureen gumaysiga Ethiopia ee xasuuqa kagaysta  Ogadenya: kii hada ugu danbeyay ee Guna gado sidoo kale waxay  tacsi hawada umariyeen shacabka   dhibaatadu kudhacday.

munaasabadan oo lagu xusayay maalinta xasuuqa shacabka Ogadeniya oo ay dad badani kahadleen waxaa la keydgareeyay oo aad looga hadlay Xasuuqa, boobka, baro kicinta, xidh-xidhka, kufsiga & waxyeeleenta shacabka Ogadeniya ay kula  dhaqmaan Ciidamada Tigreegu.

Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka South Afrika ayaa Bishan dacwad ka furtay maxkamada ICC iyaga oo u maraya wadanka South Afrika.

 

ONA

Eastern Cape Port Elizabeth (P E)

 
 

1 Comment

  1. halgame hanad says:

    Hawaado, hawaado ,halyayadii lalaayay,hooyadii lagawracay,hablihii lagarab raray,iyo hormuudkiyo duqaydii ,gumaysigu horay u cunay waan u hiilin oo waan hanan xornimadoo ,waxii aan haraad maray waan hilmaami doonaam. Guulaysta halgamayaal

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay