Xisbiga talada haya ee Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Robert Mugabe u sheegay in ugu dambeyn maanta oo Isniin ah uu banneeyo xilka madaxweynaha dalka. Waxayna ugu caga jugleeyeen in ay iyagu xilka ka qaadi doonaan haddii uu iskii isu casili waayo.

Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Mugabe ka qaaday xilka hoggaaminta xisbiga. Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa – kaas oo laba isbuuc ka hor uu Mugabe ka caydhiyay xilka.

Shaqa ka caydhintii Mr. Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in ciidanku uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka. Tobannaan kun oo qof ayaa Sabtidii ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe.

Mr. Mugabe ayaa Axadii shalay ahayd la filayay in uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaadhi ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Harare. Dagaalyahankii hore ee galaangalka badan ku leh dalka, Chris Mutsvangwa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha dalka.

Sidoo kale Reuters ayaa baahisay in Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay