Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu socdo shir aan ahmiyad badan lahayn oo taliska wayaanuhu uqabtay qoomiyadaha Tigrey iyo Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda TPLF ee badwaynta siyaasadeed dhex mushaaxaysa ayaa shir aan qorshihiisa laga soo baaraan dagin uqabatay qoomiyadaha Axmaarada iyo Tigreega oo ah labo qoomiyadood oo xurguf siyaasadeed ay kadhaxayso, islamarkaana nacaybkoodu uu gaadhay meel sare.

Kooxda taladu kabaahsan tahay ee TPLF ayaa doonaysa in ay xulufo xoogan uhesho qoomiyada Tigrey oo ah dad aad looga necebyahay guud ahaan wadanka Itoobiya, isla markaana ah qoomiyad gaysatay dhibaatooyin aan laqiyaasi karin.

Shirkan oo lagu waday in uu dhowr bari qaato ayaa lagu soo gabagabeeyay hal maalin oo kaliya kadib markii ergadii shirka kasoo qayb gashay ay kabiyo diideen ajandihii shirka iyo waliba qaabka khaldan ee kooxda TPLF tu ay usoo agaasimeen shirka,

saraakiisha kooxda TPLF ee kulanka kasoo qayb galay ayaa lasheegayaa in ay qoomiyada Axmaarada usoo jeediyeen in ay heshiisiiyaan qoomiyada Tigreega iyagoo aan kahadlin xasuuqii iyo gumaadkii loogaystay shacabka Axmaarada, waxayna ergada Gobolka Axmaaradu sheegeen in aysan xaqooda katanaasuli doonin.

Kooxda TPLF oo shirar aan micno badan lahayn dhaqaalo aad ubadan kubixinaysa ayaa todobaadkii hore shir uqabatay qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada iyagoo ka codsaday in ay katanaasulaan kacdoonada iyo nacaybshaha ay uqabaan qoomiyada Tigreega, waxaana soojeedinta kooxda TPLF siwayn uga soo horjeedsaday ergadii shirka looqabtay.

Dadka siyaasada Itoobiya lasocda ayaa shirarka faraha badan ee kooxda TPLF kutilmaamay waan daalay ee aan orodno, waxayna siyaasad xumida kooxda kusheegeen mida wadanka halkaas dhigtay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay