Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqday in si sharci ah ay u dhacday Doorashadii kuceliska ahayd 26-kii october ee uu ku guulaystay Madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta.

Madaxa Maxkamada Sare David Maraga ayaa ku dhawaaqay Go’aankan sida wayn loo sugayay. Go’aankan maxkamada ayaa wadada u xaadhaya in la qabto munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Kenyatta oo loo dhaarin doono markii 2aad xilkaasi.

Maxkamada Sare ayaa horay u laashay natiijadii Doorashadii Madaxweynaha ee dhacday 8-dii bishii August oo uu ku guuleystay 54% Madaxwayne Kenyatta, iyadoo la sheegay in xiligaasi ay dhaceen khaladaad la xidhiidha qaabka tirinta cododka iyo isgaadhsiinta ay isticmaalayeen guddiga doorashooyinku.

Doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 26-kii October ayay qaadaceen in ay ka qeybgalaan mucaaridka waxaana si fudud ugu guulaystay Madaxweyne Uhuru Kenayatta oo helay in ka badan 98% cododkii la dhiibtay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay