Warbixin ay soosaareen qaar kamid ah hay’adaha samafalka ayaa lagu sheegay in wadanka Itoobiya uu kamid yahay wadamada dunida ugu saboolsan, waxaana wadanka Itoobiya lagu tilmaamay mid kamid ah 10ka wadan ee dunida ugu saboolsan.

Hay’adaha oo sameeyay baadhitaan xoogan ayaa sheegay in wadanka Itoobiya kuu kuliito dhamaan adeegyada aas’aasiga ah sida Tacliinta, Caafimaadka, iyo awooda dhaqaale ee shacabka, sidoo kale hay’adaha ayaa sheegay in uu siwayn hoos ugu dhacay wax soosaarkii wadanka Itoobiya.

Warbixinta ay hay’aduhu soosaareen oo aad udheerayd ayaa lagu sheegay in gudaha wadanka Itoobiya ay kutabaalaysan yihiin 11.8 milyan oo shacab ah, kuwaas oo aan haysan hoyi iyo cuno toona, waxayna warbixintu xustay in ay dadka tabaalaysan intaas kasii badan karaan.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya oo beenta aan kaxishoonin ayaa marar badan ku celcelisay in uu wadanka kajiro hormar lataaban karo, iyagoo sheega in dadwaynuhu ay haystaan cuno, cabitaan iyo hoyi wanaagsan.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa dunida usheega in uu guud ahaan wadanka kasameeyay wodooyin iyo hormaro kale oo badan, wuxuuna talisku kufaanaa in waxbarashada iyo caafimaadku ay gaadheen meel sare.

Dhaqaale yahano udhashay Itoobiya oo iyaguna warbixin kadiyaariyay xaalada dhaqaale ee wadanka Itoobiya ayaa sheegay in wadanku uu gaadhay meel uusan abid gaadhin, waxayna dhaqaale yahanadu xuseen in dadkii shacabka ahaa ay wadanka gudihiisa qoxooti kunoqdeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay