Hadalada ay ku dhawaaqayeen ciidankii Itobiya ay laynayay shacabka masaakiinta ah wuxuu ahaa; “Laaya dhamaantood. Waa inuusan hal qof oo Anuka ah ku hadhin halkan. Dhul ay leeyihiin Anuka waa in aan dib dambe loo maqal. Qof nugu eedeynaya arintaa oo na xidhaya majiree waa in aan tirtirnaa kuwa rabshada wada.

 “Let us kill them all! From today forward there will be no Anuak! There will be no more Anuak land! No one will arrest us! Erase the trouble makers!”   

 

Warar aanu ka helay ilo xogogaal ah ayaa waxay sheegayaan in la dilay Taliyhii Liyu Booliska ee gobolka Gambella Obange Amew Ujidho. Waxaa kalen oo taliyaha ciidanka  lala dilay hal laskari, taas oo keentay in Markiiba  ammniga  gobolkaas la adkeeyay oo loo diiday in shacbiga halkaas ku nool ay isu kala socdaan..

Taliyahan la dilay ayaa waxa uu ka tirsanaan jiray jabhada ka soo hor jeeda taliska Woyanaha,ka dibna waxa uu isu soo dhiibay taliska EPRDF halkaas oo mudo ka dib  laga dhigay Taliyhii Liyu Booliska ee gobolkaas. Waxaa kale oo lagu xauustaa Obange Amew in uu ka qayb qaatay xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella 7 sano ka hor, halkaas oo dad badan oo aan waxaba galbsanin  lagu laayay.

Dilkan la dilay Amew Ujidho  oo ay awlba dadka aad u nabcayeen ayaa waxay farxad galisay dadwaynahii ku noola gobolkaas iyaga oo carabka ku dhufanaya ,” waxaa la dilay calooshii u shaqysate”

Waxaa kale oo ay waraku intaa ku darayaan in ay xaalada gobolkaasi kacsantahay oo ay gaadhay heer uu madaxwayaha gobolkaasi Obange Ommit oo xataa isku aamini waayay in uu gurigiisa u hoydo.

Waxaa kale oo aynu la soconaa in mudo 3bariah laga joogo isla gobolkaas la gudilay 2 askari oo ka tirsanaa Booliska Federal eeEthiopia. Isla gobolkana ayaa waxaa lagu dilay madaxii  dhaqaalaha ee Kambaniga loo yaqaano  Star oo maal galin ka waday  gobolkaas. Kmbanigan  la yidhaado Star ayaa waxaa iska leh ninka maalqabeenka ah ee ay dhalashadiisu Sacuudaga tahay ee la yidhaahdo Al Amoudi.

Guud ahaan wararka is daba jooga ah ee ka imanayaa gobolka Gambellada ayaa waxa uu tibaaxayaa in ay xaalada gobolkaas aad ay u murugsantahay.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay