Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in mid kamid ah saraakiisha ugu sarsaraysa ciidanka wayaanaha lagu qabtay isagoo faraha kula jira faldambiyeed aad uxun oo layaab kunoqday dhamaan dadwaynaha ree Itoobiya.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Captain Gidey Teklu ayaa gacanta lagu dhigay isagoo kaganacsanaya waxyaabo koontarabaan ah oo si dhuumashaal ah uu wadamada dariska kaga soogalinayay, sargaalkan ayaa lasheegay in uu mudo dheer kaganacsanayay alaabada koontarabaanka ah isagoo sida lasheegay kasameeyay dhaqaale aad ubadan.

Captain Gidey Teklu oo kamid ah saraakiisha sida wayn looyaqaano ayaa lasheegay in uu wadanka soogalin jiray saliid iyo sonkor sharci daro ah oo si dhuumashaal ah uu wadanka usoo galin jiray isagoo adeegsanayay awoodiisa ciidan iyo darajada uu huwan yahay ee Kabtanka.

Saraakiisha ciidanka wayaanaha ugu sar sareeya ayaa lasheegayaa in ay sanadihii ugu dambeeyay mashquul ku ahaayeen kaganacsiga koontarabaanka sida maandooriyaha, waxaana lasheegayaa in ay saraakiishu si wayn wadanka usoo galiyaan daroogada sida xashiishada iyo waxyaabaha lamidka ah.

Labo todobaad ka hor unbay ahayd markii la arkay ciidanka wayaanaha oo siwayn uga gacansanaya qaadka (jaadka) oo ah geed siwayn looga isticmaalo wadanka gumaysiga Itoobiya, waxaana lasheegayaa in ay ciidamadu Jaadka geeyaan Gobolada ay colaadu kala dhaxayso qoomiyada Oromada oo ah dadka ugu badan ee Jaadka dhoofin jiray.

Ciidamada oo sanadihii lasoo dhaafay siwayn ugu howlanaa kaganacsiga daroogada iyo koontarabaanka ayaa lasheegayaa in ay kasameeyeen dhaqaale aad ubadan, waxaana magaalooyinka waawayn lagu arkayaa guryo saro ah oo ay dhisanayaan saraakiisha yar yar ee ciidanka wayaanaha.

Talaabadan ay qaadeen ciidamada wayaanaha ayaa muujinaysa sida wadanku isugu dhexdaatay iyo waliba sida sharciga ay ugu tumanayaan kuwii in ay ilaaliyaan loogu tala galay, waxaana meesha kabaxay is aaminaadii iyo kala dambayntii wadanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay