Filim ka hadlaya Siyaasada Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ee Ku aadan Mawqifka ay ONLF ka taagantahay Arrimaha Somaliya, Xidhiidhka Caalamiga ah ee Ururka la leeyahay Caalamka iyo Siyaasada Ogadeniya ee Ururka. waxa aad ka heli doonta Filimkan Hoose oo Hoggaanka Arrimaha Dibada ONLF Cabdiraxmaan Mahdi uu kaga hadlayo Shirkii london ee masuliyiinta Ururka ONLF kula kulmeen Jaaliyada Somalida Ogadeniya iyo Somalida Ku dhaqan Wadanka UK.

Siyaasada ONLF ee Ku aadan Somaliya:

Hadaan Nahay JWXO dhexdhaxaad ayaan ka nahay arrimaha Somaliya, Waxaana ugu baaqayna inay ka baxaan daggaalka qabaliga ah.

Siyaasada ONLF-Daggaalka ka Socda Ogadeniya:

Daggaalka EThiopia iyo Ogadeniya u dhaxeeya marxalado badna ayuu soo maray. Ciidanka ONLF daggaalka aan ku hayno Ethiopia waxa uu ku kalifay

  • inay dhufeysyo dhaadheer qodoto oo xeryahooga kaso bixin. iyaga oo 3-dii biloodba halmar Konfoygoodu socdo.
  • Inay kari waayeen daggaalkii oo ay isku dayeen inay dad wadanka u dhashay hubeyaan.

waana astaamaha gumeysigu  markuu soo jabayo lagu yaqaano. Marka hore dagaalku cusubyahay jabhadaha waa la ugaadhsan dad yar weeye, Hada waxa halganku maraya meeshii ugu xoog badneyd oo ah in gumeysigu awoodi wayay dagaalkii oo uu isku dayo innuu shacabka adeegsado oo dhexdooda uu hubeeyo. Marka ugu danbeysana innuu oggolado wada hadal waa marxaladaha ugu danbeeya innuu miiska soo fadhiisto kadib marku oggaado daggaalkii inuu ku guul dareystay oo waxba ku qaadi karin.

Manata Ethiopia heerkaas ayay maraysa waana ku qasbayna inay oggoladaan Aaya ka tashida Ummada Somalida Ogadeniya. Marna qaadan meyno Heshiis Dooro leh.

Waxa ay kamid ahaayeen hadaladaas kore qudbada Hoggaanka Arrimaha Dibada ee ONLF Cabdiraxmaan Mahdi.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay