Wararka naga soo gaadhaya magaalada Mooyaale ee Dhacda xuduuda Kenya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in boqolaal ciidanka wayaanaha ka tirsanaa ay halkaas kagoosteen iyagoo sida lasheegay hubkoodii iyo dhamaan qalabkoodii ciidan wata.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa magaalada Mooyaale ee koonfurta Itoobiya kagoostay ciidan badan oo sida lasheegay loodiray howlgal, waxayna ciidanku go’aan sadeen in aysan dib ugu soonoqonin goobtii laga diray iyagoo udhaqaaqay dhinaca xuduuda wadanka Kenya, halkaas oo ay ku badan yihiin Jabhadaha hubaysan ee ciidanka wayaanaha ladagaalama.

Warka ayaa intaas kudaraya in taliska wayaanaha ee aagaas uu ciidamo aad ubadan oo baadi goob ah udiray aagii ay ciidamadu kudhaqaaqeen, waxaana lasheegayaa in ay labadii ciidanba isla galeen xuduuda dhacda Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo ciidankii baadi goobka ahaa ay usuuroobi wayday in ay howlgalkooda siiwataan iyagoo aad ubaqay.

Ciidanka baadi goobka loodiray ayaa lasheegayaa in ay baadhitaano xoogan kusameeyeen tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ah ee dhaca xuduuda wadanka Kenya, halkaas oo sida ay sheegeen ay karaadinayaan ciidamadii baxsaday iyo hubkoodii.

Ciidamada Baxsaday oo katirsanaa Gaaska 10aad ee ciidanka wayaanaha ayaa sida muuqata kubiiri doona Jabhada hubaysan ee gumaysiga ladagaalama, waxaana lasheegayaa in ay ciidamadu u adkaysan waayeen dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ee lagumaysto.

Taliska wayaanaha ee aagaas ayaa aad uga argagaxay talaabada ay qaadeen ciidamada intaas la’eg ee qaybta koonfureed ee ciidanka wayaanaha katirsanaa, waxaana siwayn umuuqata burburka ciidanka wayaanaha oo qabiil qabiil ukala fadhiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay