Maraykanka ayaa sheegay in weerar ay u adeegsadeen diyaarad nooca Dronka loo yaqaano oo ay ku dileen in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, meel ka tirsan Gobolka Bay ee wadanka Somalia. Hadalkaasi ayaa waxaa shaaciyay Taliska Howlgalka Maraykanka ee Africa oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (AFRICOM).

Saraakiil Milatariga Maraykanka katirsan ayaa u sheegay saxaafada in Duqayntii dhacday Talaadadii lasoo dhaafay ay beegsadeen xero tababarka loogu talagalay oo ay Al-shabab ku leeyihiin Gobolka Baay, deegaan qiyaastii 200 kilomitir u jira magaalada Mudisho, oo ay dadka deegaankuna sheegeen in uu u dhaxeeyo Buur-xakaba iyo Diinsoor.

Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaay warkan ka soo baxay taliska Maraykanka ee AFRICOM oo lagu sheegay in duqeyn lagu dilay 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururka deegaan hoostaga Dagmada Diinsoor. Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqayn Maraykanka fuliyay lagu dilay 100 dagaalyahan.

dowlada Maraykanka ayaa sare uqaaday dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab ee kadagaalama wadanka Bariga Afica Dhaca ee Somalia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay