Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteenba madaxweynihii dalka Zimbawe Robert Mugabe ayaa xilkii iska casilay, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda.

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay in uu iskii u gaadhay go’aankaas, si uu u fududeeyo awood wareejinta. Ku dhawaaqidan layaabka leh ayaa markii ay soo baxday waxaa jiray dabaal-dagyo waawayn oo ay dhigayeen shacabka oo ku farxay dhawaaqa kasoo yeedhay madaxweynihii da’da ahaa ee Robert Mugabe.

Mr. Mugabe ayaa horay u diiday in uu xilka iska casilo, inkasta oo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudaharaadyo badan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen. Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in uu socdo qorshihii hogaamiye cusub lagu dooran lahaa maalinta Jumcada ah ee soosocota.

Mr. Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980-kii, taasoo la yaab iyo amakaag ku aheyd shacabka  Zimbawe oo hadda u muuqda kuwo waa cusub uu u baryay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay