Isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in ay dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalka Yemen u furayaan gaadiidka sida gargaarka bani-aadamnimo.

Tallaabadan ayaa timid markii dhibaato xooggan oo dhinaca nolosha ah ay ka dhalatay xannibaaddii uu Isbaheysigu kusoo rogay xuduudaha dalka Yemen laga galo ee Bad, Berri iyo Hawaba isugu jira.

Wararku waxay sheegayaan in Maraykanku uu Xulafada Carabta ku cadaadiyay in ay fududeeyaan xayiraadda ay Yemen kusoo rogeen, wax yar uun kadib markii Gantaal ay Xuutiyiintu Yemen ka ganeen uu ku dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Boqor Khaalid ee Magaalada Riyaad.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay