Faahfaahin munaasabadii bandhig faneedka ee xerada qoxootiga Ifo iyo ururka Ardayda iyo Dhalinta Soomaalida Ogadenia OYSU.

Sida aan horay idiinla wadaagnayba munaasabadii maanta oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 24/11/17 waxaa xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab lagu qabtay munaasabad balaadhan oo bandhig faneed ah.

Munaasabadan oo ay sooqaban qaabisay hay’ada Danish Refugee Council DRC ayay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan xerada Ifo, ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay qoomiyad walba kusoo bandhigaysay hidaha iyo dhaqanka ay gaarka uleeyihiin.

Ururka OYSU oo munaasabada kumatalayay shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa soobandhigay riwaayado, dhaantooyin iyo heeso cajiib ah oo gabi ahaanba katurjumayay hidaha iyo dhaqanka ugaarka ah shacabka Soomaalida Ogadenia kuwaas oo bulshadii goobta timid ay siwayn ula dhaceen.

Kooxda kasocotay ururka OYSU oo ahayd kooxda Ay dadku aadka ujeclaysteen bandhigooda ayaa isla goobta lagaga dhawaaqay in ay iyagu kusoo baxeen kaalinta 1aad ee tartanka bandhiga loogu talo galay.

Ugu dambayntii munaasabada ayaa kusoo idlaatay si nabad ah iyadoo ay dadku hadal hayeen kooxda OYSU iyo wacdarihii munaasabada ay kadhigeen.

Cabdulaaho Yare
ONA Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay