Waxaa kulan koodii caadiga ahaa isugu yimaaday Jaaliyada Soomalida Ogadeniya ee Waqooyi bari Kenya Faraca Barsan ee Magaalada Gaarisa waxaana kasoo qayb galay dhamaan xubnaha jaaliyada waxaa kale oo kasoo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ka socotay faracyada JABSO.

Shirka ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu fur furay wacdi diini ah waxaana furay sheek Mohamed Baaruud shirka maanta ayaa waxaa lagu doortay gudi cusub oo hayn doona hogaanka jaaliyada sanadkan soo socda, waxaa kale oo lagu doortay gudoon cusub waxaana xilka wareejiyay gudigii iyo gudoonkii hore ee jaaliyada waxaana gudomiye loo doortay Mudane Halgame Ahmed Nuur oo kamid ahaa hawul wadeenada Jaaliyada faraca Barsan.

Shirka ayaa waxaa qudbado kala duwan ka jeediyay qaar kamida gudiyadii hore iyo kuwa cusub kuwaasi oo dhamaantood balan qaaday inay sii wadi doonaan kaalintooda halganka kaga aadan sidoo kale ay wada shaqayn doonaan si joogto ah.

Shirka ayaa wuxuu gabagabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu maamulka cusub ka dhigo kuwii bulshada iyo halganka Ogadeniya ee JWXO hurmuudka u tahay u adeegi lahaa.

ONA/Fartun Garisa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay