Wararka naga soo gaadhaya magaalada Mooyaale ee dhacda xuduuda Ogadenia iyo Oromia ayaa sheegaya in ay ciidamada wayaanuhu xabsiga dhigeen sargaal katirsanaa gaaska 10aad ee ciidanka wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka gumaysiga ee kahowl gala aaga koonfureed ee wadanka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay madaxii isgaadhsiinta ee ciidanka wayaanaha, kaas oo sida lasheegayo aad loobahdilay kahor intii aan xabsiga loodhaadhicinin.

Warka ayaa intaas kudaraya in sargaalkan oo udhashay qoomiyada Oromada loohaysto in uu wax ka ogaa ciidamadii faraha badnaa ee badhtamihii todobaadkan ka goostay ciidamada wayaanaha, kuwaas oo sida lasheegayo isu dhiibay jabhadaha hubaysan ee kasoo horjeeda taliska wayaanaha.

Sargaalkan ayaa lagu eedeeyay in uu siwayn ula socday dhaqdhaqaaqa ciidanka baxsaday maadaama oo uu ahaa madaxa isgaadhsiinta, iyagoo ku eedeeyay in uu qariyay warka laxidhiidha ciidanka baxsaday isagoo sida lasheegayo mar horaba ogaaday in ay dansadeen qalabkoodii isgaadhsiinta oo dhan.

Sida aan warbixin taanadii hore kusheegnayba waxaa ciidamada wayaanaha kagoostay ciidan aad ubadnaa oo katirsanaa gaaska 10aad ee kahowl gala koonfurta Itoobiya, kuwaas oo sida lasheegay go’aansaday in ay ladagaalamaan xukunka cadaalad darada kudhisan ee wayaanaha.

Dhinaca kale ciidamo farabadan oo loodiray in ay baadi goobaan ciidanka baxsaday ayaa islaayay iyagoo sida lasheegayo ukala baxay beel beel, waxaana lasheegayaa in ay ugu yaraan 1 askari iska dileen iyagoo ciidan badana iska dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay