Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in maleeshiyada Oromada ee loo carbiyay gumaadka shacabka Soomaalida Ogadenia ay xasuuqeen dad badan oo shacab ah oo Soomaali ah.

Sida xogta aan kuhelayno maleeshiyada uu Tigreegu sameeyay ee OPDO ku abtirsata ayaa todobaadkan xasuuq ba’an kagaystay wadanka gacanta gumaysiga madow kujira ee Ogadenia.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa xaqiijinaya in shacab aad ubadan oo Soomaali ah lagu xasuuqay deegaanka Balballayti iyo waliba deegaano kale oo kuteedsan xuduuda Oromia iyo Ogadenia.

Dadkii shacabka ahaa ee laxasuuqay oo aan qaar kamid ah magacyadooda helay waxaa kamid ahaa.

1 sabaax xassan budul
2 cabdi cumar
3 cabdi junaad
4 xassan yuusuf
5 cali maxamed
6 xassan aamiin
7 xuseen ow ibraahim
8 axmed suldaan
9 kaamil cabdi yuusuf
10 maxamed wacdi
11 aadan ow cabdulaahi
12 suldaan maxamuud
13 cowke cali jigre
14 saxane muxumed
15 faarax ismaaciil
16 cabdi raaxo
17 maxamed cumar
18 cabdi xaruur
19 xassan dhabeeye
20 barkhadle muxumed cigaal
21 cali mukhtaar
22 cabdulaahi cabdi macruuf
23 ibraahim xaaji cabdulaahi
24 cabdifataax maxamed carab
25 cabdi khaliif girigiri
26 xuseen xaashi xaruur
27 cabdi mahdi xassan
28 cabdi muxumed
29 raaxo badal
30 suldaan foolis cabdi
31 maxamed cabdi sarhaye
32 cabdiraxmaan jadiide
33 fadxi aadan dheere.

Sidoo kale maleeshiyada Oromada ah ee gumaadka shacabka utafa xaydatay ayaa laysay dad badan oo shacab ah, waxaana dagaaladan dabada kariixaya kooxda TPLF iyo labada maamul kusheeg ee Oromia iyo Ogadenia kadhisan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay