Waxaa furmay shirkii Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika waxaana kasoo qayb galay dhamaan xubnaha jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika, shirka ayaa sido kale waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya Admiral Mohamed Omor Osman.

Shirka ayaa sidii caadada  inoo ahayd waxaa lagu fur furay aayado quraanka kariimka ah iyo wacdo diini ah waxaana intaas kadib lagusoo dhaweeyay gudoomiyaha JWXO oo qudbad aad u heer saraysa ka jeediyay gudoomiyaha ayaa wuxuu ka hadlay marxalada siyaasiga ah ee halganku maraayo sidoo kale wuxuu ka waramay hardanka siyaasiga ee geeska afrika ka jira.

Shirka ayaa wuxuu wali ka socda hoolka shirarka jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika waxaana idin la socod siin doonaa wixii kasoo kordha hadii allaha awoodilihi ogaalaado.

Kala soco ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay