Dilka, Kufsiga, Boobka iyo Xadhiga loo geysto shacabka Somalida Ogadeniya waa sharci ka jira dhulka Somalida Ogadeniya oo loo jideeyay Ciidmada Gumeysiga Ethiopia inay ku soo aar guttaan markasta oo  uu guul-daro kala kulmo goobaha dagaalka. Woyanuhu waxa uu dib ugu gadoodaa dadka shacabka ah  ee aan waxba galabsan waxayna ku ciqaabaan hadba waxa ay doonaan.

Wararka aan kasoo arruurinay dhulka Somalida Ogadeniya ee Maalmihii ugu danbeeyay Ayaa waxa dhulka Somalida Ogadeniya ka dhacay dilal ka dhacay Maygaaga Dhagaxbuur iyo Haarweyn oo ka tirsan Godey. Waxakale oo dad badan lagu xidhay Magaalada Dhuxun iyo Goday.

Dilal:

Hadaba dilalkii ugu danbeeyay  ee nasoo gaadhay waxay ka kala dhaceen

 12/2/12 Maygaaga Dhagaxbuur  waxa lagu dilay (Allaah Ha u naxariisto)

Axmed Xayraan

 14/2/12  Haarwayn oo ka tirsan Goday  waxalagu dilay (Allaah Ha u naxariisto)

Badri Cabdi Cali

19/2/12 Ceelka biyocade waxaa dhaawac loogu gaystay

Faarax Xuseen Gorod

Xidhay

Waxaa jira dad fara badan oo loo taxaabay xabsiga degmada  Dhuxun  14/2/12 kuwaas  oo isugu jira rag iyo dumar dadkan oo laga soo uruuriyay deegaanka degamada  ayaa kala ah

Faadumo Badri Cismaan

Faadumo Saxane Muxumed

Maryama Cabdi

Baari Maxamed Axmed

Muxumed  Maxamed

Xaliimo Cabdi Sheikh Cabdi

Cabdi raxmaan Sheikh Maxamed Aadan

Cabdi Maxamed Sagal

Dhuux Maxamed Sagal

Kaamil Cabdulaahi Siraad

16/2/12 waxaa isna magaalada  Goday lagu  xidhay

Cabdi Buraale

Sidii aad kala socoteen warbaahinta waxaa maalmihii ugu danbeeyay sii kordhayay xasuuqa  ay kula kacayaan ciidamada hawaarintu   dadka ogaadeenya  ee aan waxba galabsan  kuwaas oo ka dhacayay degaano ka tirsan gobolada jarar,shabeele, iyo meelo kale oo kamid ah Ogadeniya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay