Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu taliska wayaanuhu wado qorshe cusub oo uu caalamka iyo shacabka lagumaysto ee Itoobiyaba uu kumarin habaabinayo.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha oo doonaya in uu iska duwo eedaha beesha caalamka ka imaanaya ayaa sheegay in ay iqaabi doonaan dadkii kadambeeyay dagaaladii ay dadka badani ku dhinteen ee kasocday xuduuda Oromia iyo Ogadenia, kaas oo hurintooda loowakiishay labada dabaqoodhi ee labada deegaan kadhisan.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumada wayaanaha oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay soo qaqabteen dad badan oo sida uusheegay mas’uulka ahaa dagaalada qoomiyada Oromada iyo dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia udhaxeeya, kuwaas oo ay isu mariyeen kooxaha daba qoodhiga ah ee wayaanaha ka amarqaata.

Sida uu sheegay wasiir kusheega warfaafinta ee wayaanaha 98 qof ayay kasoo qaqabteen dhulka Oromia, halka ay 5 qofna kasoo qabteen wadanka Ogadenia, sidoo kale wasiir kusheega ayaa sheegay in ay wali kudaba jiraan 26 qof oo kale oo sida uusheegay door kulahaa socoshada dagaalada.

Dadkan ay ciidamada wayaanuhu jeelka utaxaabeen iyo kuwa ladoondoonayo ayaa dhamaantood kamid ahaa damiir laawayaasha uu taliska wayaanuhu uwakiishay hurinta dagaalada, wuxuuna taliska dhaqanka xun ee wayaanuhu bilaabay in uu ku kiisbaxo.

Sida aan wada ogsoonahay kooxda TPLF ayaa si muuqata ugu lug lahayd hurinta iyo holcinta dagaalada kasocda xuduuda Ogadenia iyo Oromia, waxayna kooxdu doonaysaa in ay eeda dusha usaarto dhagarqabayaasha iyaga ushaqeeya ee wakiilka uga ah Ogadenia iyo Oromia.

Dagaaladan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah waxayna maleeshiyada Oromada ee OPDO siwayn u bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah ee Soomaalida ah kuwaas oo markii horaba ugardaduubnaa qooxda Layuu Police ka looyaqaano oo hubkii ay isku difaaci lahaayeen horay uga qaaday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay