Waxaa wali halkiisii kasii socda kulamo goos goos ah oo gudoomiyaha JWXO uu la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada caawana wuxuu kulan ay albaabadu u xidhan yihiin la qaatay gudiga jaaliyada Ogaadeniya Wadanka koonfur Afrika gudoomiyaha Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeniya ayaa wuxuu war bixin waafi ah kasiiyay  marxalada halganka Ogaadeniya uu ku sugan yahay iyo xaalada cakiran ee gumaysiga Itoobiya ku sugan yahay.

Gudoomiyaha JWXO ayaa sidoo kale wuxuu war bixin dhinacyo badan taaban haysa ka dhagaystay gudiga Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika, sidoo kale waxaa shirka qudbad qiimo badan ka jeediyay mudane Faysal Daahir oo kamida masuuliyiinta golaha dhexe ee jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya asagoo carabka ku adkeeyay in maanta ay Itoobiya ku sugan tahay marxalada kala guuro loona baahan yahay in shacabka Ogaadeniya uu gacmaha is qabsado.

Shirkan u dhaxeeya Gudiga Jaaliyada Ogaadeniya iyo Gudoomiyaha JWXO ayaa wuxuu qayb ka yahay kulamo goos goos ah oo uu gudoomiyuhu la qaadan doono si gaar gaar ah qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Ogaadeniya.

Gudomiyaha ayaa sidoo kale inta uu joogo wuxuu la kulmi doonaa ururka haween, ururka dhalinyarada iyo ururka culumaa u diinka Soomaalida Ogaadeniya.

Kala wararka iyo waxa kasoo kordha ONA.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay