Warar dhiilo ah oo naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka wayaanaha ay kasoo af duubeen hooyo Ceeg Aadan Muuse tuulada Higlasaaxley oo kamida gobolka Jarar.

Ciidanka Woyaanaha ee bahaloobay ayaa waxay hooyadan kasoo saareen gaadhi qabaala tuuladaas waxayna hada ku hayaan xabsi ku yaala magaalada dhagax buur ee gobolka Jarar waxaa kale oo xabsiga ayagana horay ugu sii xidhnaa hooyo xayba daahir sigad oo ah hooyo 90 jir ah iyo aabo Mohamed Axmed Nuur oo asna ah aabo da ah.

Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu gacanta cadawga kasii daayo dhamaanba shacabka Ogaadeniya ee sida xaqdarada ah ugu jira gacanta cadawga ee gumaysiga Itoobiya.

Wixii wararka kasoo kordha kala soco ONA.

ONA/Dhagax_buur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay