Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya kulan balaadhan oo aan micno badan lahayn oo u dhaxeeya saraakiisha ciidamada wayaanaha ee loo adeegsado gumaadka shacabka aan isdifaaci karin.

Sida aan xogta kuhelayno Genaral Samore Yonis oo ah taliyaha guud ee ciidamada wayaanaha ayaa qabtay shir ay kasoo qayb galeen ugu yaraan 40 Genaral oo kamid ah saraakiisha ugu firfircoon ee wayaanaha, kuwaas oo sida lasheegay uu shir albaabadu uxidhan yihiin uga socdo magaalada Addis Ababa.

Sida lagu daabacay shabakada caalamiga ah ee Indian Ocean Newsletter (ION) General Samore ayaa saraakiisha usheegay in wadanku uu kusugan yahay marxalad aad u adag oo loobaahan yahay in wax laga qabto, sidoo kale Gen, Samore ayaa sheegay in ay ciidamadii dalku noqdeen qaar baxsaday iyo qaar niyad jabsan oo aan wax shaqo ah qabanaynin.

Dhinaca kale General Samore ayaa sheegay in saraakiishu ay lug wayn kuleeyihiin kacdoonada ladamin la’yahay iyo waliba kala qaybsanaanta ciidamada udhaxaysa, wuxuuna Gen, Samore sheegay in loobaahanyahay in General ladu ay sheegaan sababta keentay in wadanku uu qalalaase galo iyo sida looga bixi karo.

Xogta ay heshay wakaalada Wararka ee Indian Ocean Newslette ION ayaa muujinaysa in uu Janaraal Samore Yonis aad uga cawday in isaga iyo ciidamada wayaanaha la iska horkeenay isla markaana laga hoos bixiyay taladii ciidamada isagoo awoodiisiina aad loodhimay, wuxuuna Janaraal Samore sheegay in saraakiil Tigrey ah ay kadambeeyaan falaka awoodiisa lagu dhimayo.

Dhinaca kale Janaraalada wayaanaha ee Addis Ababa shirka aan micnaha badnayn uga socdo ayaa dhankooda saraakiisha beesha Tigreega ee Samore uu kadhashay ku eedeeyay in ay budo qaydhiin kusiidarayaan xaalada qalafsan ee wadanku uu marayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay