Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ankara ee wadanka Turkey ayaa sheegaya in mid kamid ah diplomaasiyiibta  xukuumada wayaanaha uu udhaqmay si aan anshax ahayn isla markaana ceeb iyo waji gabax ku ah xukuumada wayaanaha.

Sida ay qortay Jariirada caalamiga ah ee lagu magacaabo Hurryet Daily News siyaasi sare oo katirsan safaarada wadanka gumaysiga Itoobiya ee wadanka Turkiga ayaa galay labo shil oo dag dag ah waxaana lasheegayaa in uu baabuurkiisii ku dhuftay labo baabuur oo ay wateen muwaadiniin ree Turkey ah.

Siyaasigan oo sida lasheegay cabsanaa ama maandooriye soocabay ayaa laqabtay wax yar kadib markii uu shilalka galay wuxuuna Booliiska usheegay in uusan ahayn nin xanuunsan ama cabsan, isagoo sheegay in uu falkan usameeyay si ula kac ah.

Booliiska magaalada Ankara oo doonayay in ay ogaadaan xaalada caafimaad ee ninkan ayaa dalbaday qalabka lagu ogaado waxyaabaha maandooriyaha ah, hase yeeshee siyaasigii ree Itoobiya ayaa ku dhawaaqay eray ay Booliisku layaabeen isagoo sheegay in uu dagaal siyaasadeed ka dhex ridi rabo labada wadan ee Itoobiya iyo Turkiga.

Goob jooge lagu magacaabo Burak Ayaydin ayaa warbaahita wadanka Turkiga usheegay in uu makhraati kayahay siyaasiga Itoobiyaanka ah oo si ula kac ah baabuurkiisa ugu dhuftay labo baabuur isla markaana sheegaya in uu xumayn doono xidhiidhka Turkiga iyo Itoobiya.

Sida aan horaanba akhristayaasha ONA lasocodsiinay taliska wayaanaha ayaa safaaradaha ay dunida kuleeyihiin udhiiba Kaadirka EPRDF/TPLF, iyagoo iska ilaaliya dadka siyaasiyiinta ah ee aqoonta leh.

Isku soo wada duub oo arintan ayaa ceeb ku ah taliska wayaanaha waxayna dhaawacaysaa siyaasada arimaha dibada ee wayaanaha iyo guud ahaan sumcada wadanka oo aan awalba fiicnayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay