War deg deg ah oo hada war qabadka Wakaalada Wararka Ogaadeniya soo gaadhay ayaa sheegay in xilkii madaxwaynihii Kililka Tigrega isla markaana ahaa Gudoomiyaha ururka TPLF Abay Woldu xilkii u hayay laga qaaday  gudigii fulintana laga saaray. Waxaa kale oo gudiga fulinta laga saaray Demoted Beyene Mikru.

Haweenaydii u Meles ka geeriyooday ayaa iyadana laga qaaday hayada EFFORT isla markaana laga caydhiyay golaha dhexe ee ururka TPLF.

Warku waxa kale oo u intaa kudaray in kuwo kale oo badan la caydhin doono, kalfadgiga 7aad ee ururka TPLF ayaa 3 goor la isugu yeedhay oo in mudo ah socday oo la is mari laa.

Ururka TPLF yaa in mudo ahba u kala qabsanaa laba qaybood ku taxanayaasha ONA ayaan hadda ka hor la socodsiinay in laga yaabo in laga guulaysto kooxda Abay Woldu u hogaaminayo oo ay ka mid ahaayee General Samora Yonis, Azeb Mesfin & Barket Simon. Waxaad moodaa in ay guulaysteen kooxdii ay  hogaaminayeen Sibahat Nega Getajew Asafa & Gebaretsiyon Wolde-Mekeal.

Dadka arrimaha Itoobiya u dhuun duleela ayaa sheegay in aysan arrintani halkaas ku dhamaan doonin.

kala soco ONA wixii ka soo kordha haddii ebo yidhaahdo.

ONA.

Akhri war ay ONA ka diyaarisay 2015kii

Khilaaf cusub oo ka dhex bilowday ururka TPLF iyo Abay Woldu oo laga hor yimid

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay