Ciidamada JWXO  ayaa weerar  ku qaaday fadhiisimooyin  iyo goobo ay ka dhaqdhaqaaqayeen  ciidamada daalan  ee tigreegu horkacayaan , weerardan  oo  lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah iyo gaadiid ciidan oo marayay wadooyinka ayaa waxaa cadawga ka soo gaadhay khasaare balaadhan. Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreytnta ayaa daggaal qorsheysan ku qaaday kaaramardha oo ah Buur laga arko una muuqata magaalada Jigjiga. Sidoo kale waxa ciidamada ONLF ay weeraro ku qaadeen Ciidamada Tigreega waxayna dagaaladaas u dhaceen sidan hoose;

Dagaalada ayaa ka kala dhacay deegaanada kala ah

17/2/12  Duud ciid oo ka tirsan degmada qabri dahar una jirta masaafo dhaw ayaa  kolanyo gaadiid ah oo halkaa maraysay  waxa ciidamada JWXO  uu kaga dilay ciidanka cadawga 8 askari 7 kalena waa uu ka dhaawacay

19/2/12  dagaal ka dhacay  buurta caanka ah ee Kaaramardha oo dhacda duleedka magaalada jig jiga  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 10 askari   inkabadan 15 kalana waa lagaga dhaawacay

Waxaa kale oo jira dagaalo dhabagal ah oo aanan wali laga soosaarin faahfaahin buuxda, Dagaaladaas ayaa waxaa ay ka kala dhaceen:

Gabagabo, Ceelka biyo cadde,iyo  Goobo kale.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay