Xubnaha faraca Muftaaxul-xoriyo ee xarada Ifo ee deegaanka Dhadhaab ayaa shalay oo Isniin ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 27/11/17 isugu yimid kulan muhiim ah oo si heersare ah loosoo agaasimay.

Kulanka oo furmay abaare 2:00 duhurnimo ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo aad uqiiro galiyay gabi ahaanba bulshadii kulanka isugu timid, waxaana kasoo qayb galay inta badan xubnaha faraca, howlwadeenada iyo waliba gudiga abaabulka faracyada kadhisan Dhadhaab.

Kulanka oo ahaa mid aad uxiiso badan ayaa warbixin dheer oo lakala qaatay kadib la isla sooqaaday qodobo dhowr ah oo dood dheer iyo falan qayn kadib laga soo saaray go’aamo iyo talooyin wax ku ool ah, waxaana kulanka intiisa badan lagaga hadlay abaabulka oo ahaa qodobka inta badan muhiimada lasiinayay.

Sidoo kale xubnihii goobta fadhiyay ayaa isdhaafsaday afkaar kala duwan oo dhamaan kusalaysan sare uqaadida abaabulka iyo gabi ahaanba howlaha guud ee halganka shacabka Soomaalida Ogadenia.

Ugu dambayntii kulankii oo socday mudo saacado ah ayaa kusoo idlaaday jawi wanaagsan iyo wajiyada xubnaha oo laga dheehanayay dardar cusub oo ay halganka lagu baadi doonayo xoraynta shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia uhayaan.

Cabdulaahi Yare
ONA Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay