Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday mashaariic hormarineed oo ku kacaya lacag dhan $ 200 oo million oo dollar. Sida uusheegay Wasiirka Qorshaynta Maalgashiga Iyo Hormarinta ee xukuumada Soomaaliya Amb. Jamaal Maxamed Xassan mashaariicdan ayaa ah kuwo hormarineed oo isugu jira, Shaqo Abuur, Dib u Dhis iyo Kobcinta Shaqaalaha dalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in mashaariicdan qayb ka noqon doonaan Dhismaha jidadka, Xarumaha dowladda, Waxbarashada iyo Shaqo loo Abuuro Dhalinyarada Soomaliyeed.

Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qadar kaalmada horumarineed ee ay ugu deeqday dalka Soomaaliya iyo waliba mashaariicda horumarineed ee ay dowlada Qadar ka fulinayso wadanka Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Qadar Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay