Dabley la rumaysan yahay in ay yihiin Al Shabaab ayaa weeraray Dagmada xeebta saaran ee Lamu kuna dilay ugu yaraan labo askari oo booliiska wadanka Kenya ah.

Maleeshiyaadkan oo si aad ah u hubaysan ayaa wadada u galay ciidamo galbinayey kolonyo gawaadhi basas ah oo siday dad rayid ah oo marayay wadada isku xidha Lamu iyo magaalada Malindi. Gaadiidkan ayaa kusii jeeday magaalo xeebeeda Mombasa.

Qaar kamid ah rakaabka saarnaa gawaadhidan basaska ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay rasaastooda la beegsadeen gaadhiga ay lahaayeen ciidamada booliiska ee illaalada ka ahaa kolonyada, kooxdaasi ayaa sidoo kale gudaha u galay basaska ay saaraanyeen shacabka iyagoo u qaybiyey waraaqo digniin ah.

 

Weerarkan ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii ay dowlada Kenya ay sheegtay in ay cagta marisay xarumihii Al Shabaab ku lahayd kaymaha Boni Forest ee deegaankaasi oo xarumo u ahaa kooxaha weerarka ka geysta Gobalkaasi.

Waxaa jirta xog aan wali la xaqiijin oo sheegaysa in kooxda weerarka ka fulisay Lamu ay nolol ku qafaasheen askar kale, walow aysan weli dowladu warkan xaqiijinin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay