Wararka soo gaadhaya xafaiiska warqabadka ee Wakaalada Wararka Ogaadeniya ONA ayaa waxay sheegayaan in maamulka Canfartu ay odayaal ku xidh xidhay tuulada Candhuuftu oo kamid ah tuulooyinkii Gobolka shiniile ee sida qasabka ah loogu wareejiyay maamulka Canfarta.

Odayaashan ayaa waxaa laga soo qab qabtay isla tuulada Candhuuftu waxaana hada lagu hayaa magaalo lagu magacaabo Barta oo kamida dhulka Canfarta.

Ma cada sababta dhabta ah ee loo xidhaayo odayaasha waxaase naloo sheegay in loo haysto arimo ku saabsan lahaashaha dhulka soomaaliyeed ee lagu wareejiyay Canfarta, odoyaashan la xidh xidhay ayaa waxaa nasoo gaadhay qaar kamid ah magac yadooda waxaana naloogu sheegay sida tan.

Ali Buux Faarax
Faarax Buux Faarax
Xashin Ciye
Faarax Dirane Buux
Ibrahin Hoosh
Xabiib Ciiltire.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay