Magaalada Geneva ee xarunta qaramada midoobay QM waxaa lagu wadaa in uu kadhaco shir looga hadli doono arimaha xuquuqul insaanka ee dadyoowga la gumayto iyo kuwa lagatirada badan yahay, shirkan oo mid kii tobnaad ee noociisa oo kale ah ayaa waxaa lagu marti qaaday Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomalida Ogaadeniya ee OYSU.

Shirka ayaa wuxuu furmi doonaa 30/11/2017 hadii Alle imo wuxuuna socon doonaa mudo 2 bari ah, shirka ayaa waxaa ka hadli doona qaar kamid ah dhalinyarada OYSU.

Waxaa kale oo ururka dhalinyarada OYSU Casuumad noocan oo kale usoo diray ururka UNPO waxaana ka qayb gali doona isla wafuud kale oo kamid ah dhalinyarada OYSU.

Hadii allaha awooda lihi ogalaado waxaan idiin soo gudbin doonaa wixii kasoo kordha shirarkaas ay kaqayb qaateen dhalinta OYSU isha kuhay ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay