Waxaa siwayn isu soo taraya eedeeymaha loojeedinayo kal fadhigii Golaha Dhexe ee urur kusheega TPLF kaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay si habayaaq ah uga socday magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey, waxaana iska soo daba dhacaya siyaasiyiinta ka hor imanaya shirkaas iyo ujeedada looqabtayba.

Ariya Gabremedhin waa mid kamid ahaan hiray saraakiishii ugu caansanaa ee kooxda TPLF iyo guud ahaan xukuumada wayaanaha, wuxuuna Ariya warbaahinta usheegay in gabi ahaanba uu fashil kusoo dhamaaday shirkii golaha dhexe ee TPLF uga socday magaalada Maqale, wuxuuna sheegay in shirka ay afduubtay koox yar oo dano gaar ah leh.

Ariya Gabremedhin oo mar katirsanaa gudiga fulinta ee TPLF ayaa sheegay in gabi ahaanba ururku uu kaleexday danihii loo aas’aasay iyo guud ahaan danihii wadanka, wuxuuna sheegay in shirkii dhowrka todobaad qaatay ee kooxda uga socday magaalada Maqale uu fashil kudhamaaday.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in ay dhamaatay xiligii TPLF wax laga dhagaysan jiray, wuxuuna sheegay in uusan jirin hal qof ah oo hada kalsooni kuqaba kooxda Fashilantay ee TPLF, isagoo tilmaamay in ay xubno yari sumcadii ururka iibgeeyeen woxoogaa hunguri ahna ay dhaafsadeen.

Ariya Gabremedhin ayaa sidoo kale sheegay in kooxdu ay kufashilantay dhamaan kaabayaashii dhaqaalaha, waxbarashadii, caafimaadkii iyo guud ahaan wax kasta oo ay umadi ubaahan tahay, wuxuuna carabka aad ugu adkeeyay in ay kooxdu waxba kaqaban wayday dhinaca amaanka iyo daganaanshaha wadanka.

Sargaalkan oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in uu wadanku kujiro xukun dag dag ah oo aan lashaacinin, isagoo xusay in xasuuq aad u ba’an loogaysto dadka saacabka ah ee wadanka kudhiqan, kuwaas oo sida uusheegay dhibaatooyin kusoo jiray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Sargaalkan oo ahaan jiray nin wadanka laga qadariyo ayaa hadalkiisii kusoo gabagabeeyay in ay dadwaynuhu umidoobaan sidii ay kooxdan macangaga ah isu dhaafin lahaayeen isla markaana loogaadhi lahaa hor mar iyo xasilooni.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay