Wararka naga soo gaadhaya Gobolka ay kacdoomadu kajiraan ee Oromia ayaa sheegaya xiisado hor leh oo cirka isku sii shareeraya oo udhaxeeya dadka deegaanka iyo xukuumada macangaga ah ee wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno ururka dhalinta Oromada ee lagu magacaabo Qeeroo ayaa bilaabay in ay dab qabadsiiyaan xafiisyo badan oo kuwa canshuurta lagu qaado ah, waxayna dhalintu gubeen xafiisyo aad ubadan oo kuyaala Gobolka Oromia sida lasheegay.

Dhalinta Qeeroo ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin canshuur dambe oo laga qaado shacabka Oromia, waxayna dhalintu sheegeen in canshuurta ay bixiyaan iyaga dib loogu laayo, laguna iibsado qalabkii shacabka lagu dabar jari lahaa.

Ururka dhalinyarada Oromia ee Qeeroo ayaa shacabka Oromada usheegay in ay diidaan bixinta lacagaha baada ah ee canshuurta loogu magaca daray, taas oo sida ay sheegeen iyaga lagu dhibaateeyo.

Dhinaca kale shaqaale iyo mas’uuliyiin udhashay Gobolka Omo ayaa shaqadoodii iskaga tagay kadib markay dareemeen in taliska wayaanuhu uu doonayo in uu iyaga iyo shacabkooda isku laayo, waxaana shaqadii katagay dhalinyaro iyo mas’uuliyiin aad ubadan oo u dhalatay Gobolka Omo ee shucuubta koonfureed.

Khal khalka iyo is dhex yaaca ayaa gaadhay daafaha wadanka Gumaysiga Itoobiya, waxaana lasaadaalinayaa in ay dhalintu qaadidoonaan talaabooyin cul culus oo gumaysiga ay kudiidan yihiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay