Masuuliin kamid ah sharci dajinta dalka Britain ayaa si cadho leh uga jawaabay dib u faafin uu madaxweyne Trump ku sameeyey muuqaalo muslim naceyb ah oo uu barta twitter-ka soo dhigay hogaamiyaha kooxda midigta fog oo British ah, kaasi oo horey loogu helay hadallo nacayb ku dhisan.

Dhowr sharci yaqaan ayaa ra’iisul wasaare Therese May ugu baaqay in ay joojiso safar shaqo oo la qorsheeyay in Trump uu dabayaaqada sanadkan ku tago dalkaas. “Xaqiiqdii kani ma ahan saaxiibkeena” Waxaa sidaas yidhi sharci dajiye David Lammy oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha, kaasi oo intaas ku daray in madaxwaynaha Maraykanka aan laga soo dhaweynin Britain.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan ayaa sidoo kale sheegay in ay sii caddaanayso in Trump aan lagu soo dhawayn doonin dalka Britain, islamarkaana dad badan ay dhaq dhaqaaqyadiisa twitter-ka u arkaan kuwo dhaawac ku ah xidhiidhka Britain iyo Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Theresa May ayaa sheegay in Trump uu ku qaldanaa in uu tweet gareeyo muuqaalkan muslim naceybka ah, islamarkaana dadweynaha Britain aysan ogolayn fikradaha kooxaha midigta fog.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay