Wararka naga soo gaadhaya dhulka Oromada ee gacanta gumaysiga Abasiiniya kujira ayaa sheegaya kacdoono hor leh iyo dilal aan laqiyaasi karin oo kasocda qaybaha kala duwan ee Gobolka.

Sida xogta aan kuhelay ciidamada cadawga ee kahowl gala Gobolka Harargee qaybta Oromia ayaa dilal ugaystay dad shacab ah oo kudhaqan Gobolkaas, waxaana lasoo tabinayaa 6 qof oo ugeeriyooday rasaas ay ciidanka wayaanuhu rideen.

Dadka shacabka ah ee lalaayay ayaa lasheegayaa in ay kujireen shaqo maalmeed kooda caadiga ah, waxaana lasoo tabinayaa in ay ciidanka gumaysigu si ula kac ah utoogteen.

Dhinaca kale waxaa mudo todobaad ah haawanaya Jaamacadaha Gobolka Oromia, waxaana lasheegayaa in ay ardaydii jaamacaduhu kubiireen kacdoon wadayaasha Oromia, iyagoo sheegay in Jaamacadaha Gobolka aysan waxbarasho kajirin bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxaa cirka isku siishareeray kacdoomadii Gobolka Oromia, waxaana lasoo tabinayaa dibad baxyo waawayn oo dadka Oromadu ay kaga soo horjeedaan taliska dhiigyacabka ah ee wayaanaha.

Kooxda TPLF ayaa kujaah wareersan kacdoonada aan kala joogsiga lahayn ee kasocda Gobolka Oromia, wuxuuna talisku aaminsan yahay in kacdoonada dabada kariixayaan saraakiil wayaane ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay