Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Tigrey ee woqooyiga wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay kooxda TPLF iyo qabiilkooda Tigreegu ay aad ukala jabeen kadib kulankii aan midhaha dhalin ee magaalada Maqale uga socday saraakiisha Tigrey.

Sida xogta aan kuhelayno loolan xoogan oo udhaxeeyay jifooyinka qabiilka Tigreega ayaa hada umuuqda in ay kuguulaysteen qabiilka daga deegaanka Adwa, kaas oo sida lasheegay isku fidiyay jagooyinkii sarsare ee ururka TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno ree Adwa oo caalsaaraha kahelay deegaanada kale ee qabiilka Tigreega ayaa gudiga fulinta ee ururka oo kakooban 9 xubnood kuyeeshay 8 xubnood, taas oo muujinaysa sida qaawan ee ree Adhwa ay ururka isu siiyeen.

Dadka Tigreega ah ee udhashay magaalooyinka kale ee Gobolka ayaa arintan kusoo dhaweeyay yaab iyo amakaag waxayna ururkii TPLF ugu wanqaleen ADWA LF, oo micnaheedu yahay ururkii ree Adwa, waxayna dadwaynuhu aad ufalan qaynayaan sida layaabka leh ee loodhisay gudiga fulinta ee ururka.

8-da xubnood ee ree Adwa ee gudiga fulinta kamid noqotay ayaa kala ah

1. Debretsion Gebremicheal.

2. Fatlework Gebrelgzahaber

3. Getachew Asafe

4. Abay Nabiso

5. abraham Takaste

6.Adis Alem Baale Baalema

7. Alem Gebre Wahid.

8. Karya Ibrahim.

Dhamaan saraakiishan aan magacyadooda kor kusoo xusnay ayaa udhashay magaalada Adwa halka hal qof oo kaliya uu kasoo jeedo deegaan kale oo kabaxsan magaalada Adwa, taas oo qofkasta oo maqla uu garan karo cadaalad daradu halka ay gaadhay.

Qabaa’ilka ay qoomiyada Tigreegu kakooban tahay ayaa aad uga xumaaday qaabka ay wax usocdaan iyo talaabada ay uu qaaday ururkusheega TPLF oo aan indhaha laga fiirsan karin.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay