Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay kala baxeen 30/11/2017 Hooyo Canbaro Sheekh Dayib Xaaji hoygeedii oo in mudo ah lagu hayay taasoo mudooyinkii ugu danbaysayba Xanuun da’aah uu hayay, Hooyo canbaro ayaa waxaa dadeeda naloo sheegay inay kor u dhaaftay 100 sano.

Hooyo Canbaro ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/12/2017 ku geeriyootay Magaalada jig jiga waxayna aakhirkii u geeriyootay jidh dil ay soo gaadh siiyeen ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo Maleeshiyaadka wax magarata ah ee dhaaraanka u ah kuwa gumaysiga Itoobiya kuwaasi oo xasuuq iyo dhibaato aan kala sooc lahayn ku haya dadka shacabka ah ee soomaalida Ogaadeniya.

Hooyo Canbaro ayaa waxaa wali lagu hayaa gurigeedii ay ku nafbaxday waxayna ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya diideen in maxruumada la aaso.

Maahan markii koobaad ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo gacan yarayaashoodu ay sidan oo kale qof shacab ah oo birima gayda ah u dilaan kadibna ay diidaan in la aaso.

Ilaahay waxaan uga baryaynaa hooyo Canbaro iyo dhamaan inta gumaysigu xaqdarada ku dilay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay